Xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay HADALKII Korneyl Caare kasoo yeeray

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo yeeray Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare.

Boos Mire Maxamed, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa si adag u difaacay go’aankii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu cafiska ugu fidiyay ciidamada jabhada Caare, kuwaasi oo hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ganafka ku dhuftay hadalkii uu dhowaan Korneyl Caare ku sheegay inaysan matalin odayaashii la kulmay Madaxweyne Biixi, ee suurta-galiyey go’aanka uu Biixi cafiska ugu fidiyay Ciidamada Jabhada.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Madaxweynuhu beel dhan ayuu la kulmay oo saladiinteedii, odayaasheedii iyo waxgaradkeedii waad arkayseen oo meel lagu kala maqnaa may ahayn, waxaana la gudoonsaday nabad galyo”.

“Madaxweynuhuna wuxuu awooda u lahaa sharciyan inuu cafiyo halkii ayuu kaga dhawaaqay wixii kalana in laga wada arinsado oo sida ugu dhaw loo xaliyo ayuu sheegay, waana lala wada qaatay dhibaatooyinkaasina mudo ayey soo jiitameen sidaas loo wada qaatay ayaanay ku dhamaanaysaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Caare waa inan ka mid ah inamadeena markii uu yidhi ima mataalan madax dhaqameedkaasi, dadkii meesha marayey malaa waa la kala yaqaanaa umadee way cadahay inay matalaan”.

Korneyl Caare oo dhowaan la hadlay warbaahinta ayaa ka biyo diiday shuruudo uu ku xiray Madaxweyne Biixi, sidii uu cafis ugu fidin lahaa, isla markaana wuxuu ka dhawaajiyey inaysan matalin odayaal beeshiisa oo Madaxweynaha kula kulmay madaxtooyada.

Korneylka ayaa sidoo kale waxa uu sheegaya in uu si weyn uga soo horjeedo hab maamulka Biixi iyo sida uu u hagayo xukuumadiisa, isla markaana uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Somaliland oo uusan marnaba joojin doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com