Wafidgii Saciid Deni oo ku hakaday Garowe iyo safarkii Kismaayo oo berri u dhacay

Garoowe (Caasimadda Online) – Diyaaraddii siday Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo la filayey inay u duusho Magaalada Kismaayo ayaa ku hakatay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Waxaa la filayay inay Galabta Diyaaradda kasoo duusho Garowe oo ay soo qaado xubno kale oo wafdiga ka mid ah balse ay suurta geli weysay maadaama uu waqtiga ciriir noqday.

Sababta keentay baaqashada Safarka wafdigaan ayaa lagu sheegay inay tahay Safarkooda oo qaadanayo 3 saac ay ku soo aadayaan xilli habeenimo ah oo aanay ka degi karin Garoonka Kismaayo, sidaasna uu safarkooda Berri dib u dhacay.

Wafdigaan ayaa la qorsheenayaa inay Berri u dhoofaan Kismaayo si ay uga qeyb galaan Xafladda Caleemka saarka Axmed Madoobe.

Waxaa Shalay ilaa Maanta Magaalada Boosaaso ka socday kulamo u dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo wafdi wasiiro ah oo halkaas u tagay inay Deni ka baajiyaan ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka.

Wararka ayaa sheegayo inuu madaxweyne Deni iska diiday dalabkii ay Dowladda Soomaaliya usoo marsiisay Wasiiradii uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com