Farmaajo: Waa nasiib darro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas;uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe.

“Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeed, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa wy saaran tahay dowladda Federaalka” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, wuxuuna xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed bad iyo Berriba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka hirgelinta nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda “Sharci ayaa dal lagu dhisaa, laguna dhaqaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray.

Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen.

Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com