Xukuumada Somaliland oo war kasoo saartay muwaadin loo gacan galiyey Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya uga hadashay xariga muwaadin reer Somaliland ah oo loo dhiibay dowladda Jabuuti, isla markaana u xiran muddo ku dhow 7-sanno.

Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah muwaadinka loo gacan galiyay Jabuuti, ayaa waxa qorshaha dhiibistiisa fuliyay xubno ka tirsanaa xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa sheegay inuu arrinka Cabdillaahi Sheekh kala hadlay madaxweynaha Jabuuti, xili uu dalkaasi u tagay wada-hadaladii madhaleyska noqday ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa xusay in ninkaasi ay dowladda Jabuuti u haysato falal la xiriira Argagixiso, balse xiligan dib loo eegi doono kiiskiisa, maadama uu tirsanayo in si cadaalo daro ah loo xukumay.

“Waxa jira Nin Muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo 7 sano Jabuuti ku xidhnaa oo falal Argagixiso u xidhnaa oo tirsanaya in Caddaalad-darro lagu xukumay oo aanu tiisii helin” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waanu kala hadalnay Dawladda Jabuuti, faylkiisa dib loo furayaa. Iisha Allaah isaguna natiijo wanaagsan ayuu ku gaadhi doonaa”.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdillaahi Sheekh ayaa kamid ahaa rag ay xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo usoo qab-qabatay qarax ka dhacay caasimada dalka Jabuuti, xili ay isaga oo kaliya ay u dhiibtay dowladda Jabuuti.

Mana jirto meel si cad loogu soo bandhigay kiiska Cabdillaahi ee muddo ku siman 7-sanno ka hor loo gacan galiyay dowladda Jabuuti, iyada oo aan warbaahinta loo soo bandhigin xarigiisa iyo eedeymaha loo haysto oo aan ka aheyn falalka argagixiso ee loo dhiibay.