Xog: 3 caqabad oo fashiliniya mooshinka Villa Somalia ka abaabuleyso Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabulka isku day mooshin oo ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa ka carrootay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare iclaamiyey shir dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka, inkasta oo madaxtooyada ay markii dambe ogolaatay shirkaas, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka.

Qorshaha mooshinka looga keenayo Cabdi Xaashi ayaa wajahaya caqabado dhowr ah oo aad u adkeynaya in lagu guuleysto, kuwaasi oo durba la dareemayo.

Caqabadda koowaad ayaa ah sidii lagu heli lahaa taageerada senatoro ku filan oo diyaar u ah inay mooshinka qeyb ka noqdaan, ayada oo la rumeysan yahay in saameynta Villa Somalia ee Aqalka Sare ay aad u yar tahay marka loo eego tan golaha shacabka.

Caqabadda labaad, ayaa ah in xitaa haddii ay dhacdo in la helo taageerada loo baahan yahay, aysan cid qabata mooshinka oo guddoomisa, maadaama Cabdi Xaashi uusan qabaneyn mooshin isaga xilka looga qaadayo.

Haddii Cabdi Xaashi uusan qabaneyn, waxaa waajibkaasi uu ku dhacayaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo Villa Somalia aan la is-tusin. Abshir ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u diidan siyaasadda Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa waxaa ku xiran guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Guhaad, hase yeeshee ayada oo uu joogo Abshir Bukhaari ma qaadi karo wax tallaabo ah, haddii uu qaadana waxa noqoneysa sharci-darro.

Caqabadda ugu dambeysa ayaa ah beesha caalamka, oo aan ogolaaneyn in xilligan kala guurka ah ee muddo xileedka dowladda ka harsan yahay bilo la galo qalaalse siyaasadeed. Waxaa sidoo kale Cabdi Xaashi loo arkaa sharci-dejiyey oday ah oo xal doonaya, maadaama guddoonka Golaha Shacabka ay noqdeen kuwa laga maamulo Villa Somalia.

Haddaba su’aasha ayaa ah, Maxay ayada oo ay jiraan dhowr caqabad oo diiday in xilka laga qaado Cabdi Xaashi, ay haddana Villa Somalia u waddaa isku day mooshin? Senator-ada ayaa rumeysan inay tahay cabsi gelin iyo hanjabaad Cabdi Xaashi loogu sheegayo inuu kusoo darsamo xubnaha laga maamulo madaxtooyada.