Xukuumadda Biixi oo ku gacan seyrtay dalab uga yimid mucaaridka iyo xiisad…

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa ku gacan seyray in uu aqbalo dalab ay labada Xisbi Mucaarid u gudbiyeen, kaasi oo ay ku dalbanayeen in loo ogolaado banaanbax ay isugu soo baxayaan taageerayaashooda.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in warqada ay u gudbiyeen Xisbiyada Mucaaridka aysan ku qorneyn goobta iyo taariikhda uu dhacayo mudaharaadka ay dalbanayaan labada xisbi, xili xiisad culus kala dhaxeyso madaxweyne Muuse Biixi.

“Hay’addaha nabad-galyada ka shaqeeya waxa faraya in aan la qaban karin mudaharaad illaa inta laga wada-hadlayo arrintaan oo go’aan laga soo saari, go’aanka laga soo saarana ogolaansho ama diidmo ayuu noqonaya intii ka horeysa ciddii tiraahda mudaharaad ayaa qabanaya waa qeyrul sharci,” ayuu yiri Wasiir Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.

Arrintaan ayaa uga sii dareysa xiisada toddobaadyadii dambe ka dhex aloosneyd xisbiyada mucaaridka iyo madaxweyne Muuse Biixi, kadib markii lagu kala kacay kulamo looga hadlayay khilaaf ka dhashay furista ururada iyo doorashooyinka.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Ucid iyo Waddani ayaa taageerayaashooda, guud ahaan shacabka Somaliland inay u diyaar garoobaan banaanbax ka dhan ah xukuumadda, si loo muujiyo dareenka shacabka ee ku aadan xaaladda adag ee ka taagan deegaanada Somaliland.

Ujeedka isku soo baxooda ayey ku sheegen in loogu hiilinayo sharciga, si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeynta Somaliland.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xili ay fashil kusoo dhamaadeen wada-hadalladii foolka foolka ah ee u socday xisbiyada mucaaradka, Wadani, Ucid iyo xukuumadda Somaliland.