Xukuumadda Puntland oo shaacisay inay bixineyso magta Nadiiro Faysal Shire

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee marxuumad Nadiiro Faysal Shire oo dhowaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bixineyso magta gabadhaasi yar oo 15 sano jir aheyd, islamarkaana u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamada ammaanka Puntland dhowaan ku fureen dad dibad-baxaal ah oo ku sugnaa Garoowe.

Warqaddan ayaa lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogeysiiyay qoyska marxuumadda oo horey u dalbaday inay helaan cadaalad.

Sidoo kale waxaa qoraalka loogu caddeeyey ehellada marxuumadda in mas’uuliyadda ay la waregtay dowlad goboleedka Puntland.

Shalay ayey aheyd markii warsaaxafadeed ka soo baxay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland, si adag looga hadlay dhacdadaasi dilka ah.