Xog: Muudey oo culeysyo la saaray dartood isaga joojiyay shaqadii golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa culeysyo badan oo la saaray shaqada baarlamaanka isaga joojiyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Villa Somalia iyo Guddoomiye Mursal ay si-wadajir ah ugu sheegeen in aysan ku qabin kalsooni, islamarkaana uu abaabulay qorshe ay baarlamaanka ay go’aan uga gaarayaan mustaqbalka Soomaaliya maadaama uu waqtigooda dhamaaday, sidoo kalane uu khilaaf jiro.

Villa Somalia ayaa u sheegtay Guddoomiye Muudeey in ay heleen xog tilmaameysa inuu abaabulay Xildhibaano Mucaarad ah oo qorsheeyay diyaarinta Mooshin ay ugu magac dareen “Badbaado Qaran” kaas oo qorshaha ahaa in xilka laga qaado Madaxweynaha kadibna muddo kooban lagu qabto doorashada Soomaaliya, iyadoo kusime laga dhigayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa hadda haawanaya Xafiiskiisa waxa uuna fadhi u noqday shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo dad kale, waxaana la sheegayaa inuu iska furan yahay, halka markii uu hore uu furaha isaga qaadan jiray.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu hada dalka ka maqan-yahay, kuna sugan yahay Nairobi, waxaana sidoo kale dhacday in isagoo joogo dalka islamarkaana maqanyahay guddoomiyaha uu shir guddoomiyay ku xigeenka 2-aad ee Mahad Cabdalla Cawad.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Guddoomiye Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey balse muddooyinkaan kama soo muuqan Warbaahinta iyo fadhiyada baarlamaanka isagoo maqan iyo isagoo joogaba.