Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay dadaallada Qoor Qoor ee doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo xal raadin ah oo saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo looga hadlay xaaladda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in madaweynaha Soomaaliya uu aqbalay dadaalladii uu waday Qoor Qoor oo ergo ka ahaa madaweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Labad dhinac oo yeeshay kulamo is xig-xigay, islamarkaana uu qeyb ka ahaa taliyaha NIA Fahad Yaasiin ayaa diirada lagu saaray caqabadaha ka jira doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la’isku afgartay in arrinta gobolka Gedo la xalliyo ka hor doorashada, sidoo kalena la bilaabo dib u heshiisiin labada dhinac ah.

Sidoo kale waxaa is fahamka la gaaray qeyb ka ah in la kala bedasho kuraas muhiim ah, sida saddex kursi oo kala taalla magaalooyinka Garbahaarey iyo Kismaayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in xal horudhac ah laga gaaray muranka ka taagan doorashada xildhibaanada Gobolada Waqooyi ama Somaliland, iyada oo la’isku afgartay in is-bedal lagu sameeyo guddiyada uu muranka ka jiro.

Si kastaba waxaa laga war dhowrayaa jawaabta madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan Garoowe, si horey loogu sii amba qaado wada-hadallada.