Turkiga oo soo gudbisay codsi ku aadan dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye kadib qaraxii ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga hadlay sida laga yeelayo weerarada lagu bartilmaameedsado Muwaadiniinta Turkida ah ee Soomaaliya ku sugan gaar ahaan Howlwadeennada ku howlan dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye oo dhowr jeer lagu qarxiyay.

Diblumaasiga ugu sareeya Turkiga ayaa Talaadadii la kulmay Milkiilaha shirkada En-Ez ee qaadatay mashruuca ay bixisay Dowladda Qadar ee dib loogu dhisayo laamiga 30-ka KM ah ee ka baxa Caasimadda Dalka kuna xira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mevlut Cavusoglu ayaa fadhiga uu la yeeshay Hidayet Zorlu oo ah Milkiilaha Shirkadda Turkiga ee ku guuleysatay Tartanka loo galay cidda qaadaneysa dib u dhiska wadadaan oo ah qayb kamid ah kaalmada taageeraha ah ee Xukuumadda Dooxa ay siisay dhiggeeda Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa dalbatay in uusan joogsan mashruuca lagu dhisayo laamiga xiriiriya Muqdisho & Afgooye oo laga dhisay ku dhawaad 20 KM, waxaana xusid mudan in Xukuumadda Ankara ay ku waysay Injineero & howlwadeenno kale oo la shaqeyneysay, halka kuwo kale ay dhaawacmeen.

Xukuumadaha Muqdisho & Ankara ayaa cambaareeyay qaraxii ugu dambeeyay oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa Sabtidii 2-da Janaayo 2021 ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ku dhintay kuna dhaawacmay Howlwadeenno & askar ilaalo u ahayd, mas’uuliyadda waxaa dusha saaratay Al-Shabaab.