Waa maxay sababta uu mas’uulkan Soomaaliyeed uga cudur daartay inuu booqday dalkiisa Somalia?

Victoria (Caasimadda Online) – Sharmaake Dubow oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Victoria ee dalka Canada ayaa raaligelin ka bixiyay booqasho uu fasaxiisa sanadkii tagay ee 2020 ku tagay Soomaaliya.

Bartiisa bulshada ayuu soo dhigay bayaan ka turjumaya raaligelintiisa, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu u hogaansamayo habraaca caafimaad ee maxaliga ah, wuxuuna hadalkiisa gadaal ka raaciyay inuu dhawr jeer maray tijaabooyin caafimaad.

Inkastoo baaritaanno kale la marin doono xildhibaanka hadda wuxuu ku sugan yahay magaalada Vancouver oo uu karantiil ku yahay, muddo laba todobaad ayuuna halkaas baaqi kusii ahaan doona.

Sharmaake Duubow wuxuu ka mid yahay dhawr siyaasi oo jabiyay xeerka xayiraadaha safarka ee loogu talagalay in looga fogaado xanuunka dunida dhibaateeyay ee Covid19, sida ay warbaahinta gudaha baahiyeen badankood siyaasiyiinta wey iska casileen xilka ay hayeen walow Sharmaake uu raaligelin bixiyay.

Sharmaake si toos ah ayuu u sheegay inuusan dooneyn inuu iska casilo xilka, isla markaana uu sii wadi doono adeegga uu u hayo deegaanka uu matalo, wuxuuna sheegay in markii ugu horreysay muddo ku dhaw 30 sanadood uu tagay Soomaaliya.

Sharmaake isagoo dareensan inuu qaatay go’aan aan fiicneyn ayuu hadana ku adkeystay inuu xilkiisa sii haayo, waxaana cajiib ah inuu kursigaan ku guuleystay sanadkii 2018 isagoo kaliya muwaadin Canadian ah noqday sanadkii 2017.