Maxa tahay arrinta dib u dhigtay heshiiskii la filayey ee DF iyo shirkadaha shidaal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa uu dib u dhac ku yimid heshiis lagu waday in ay Dowladda Soomaaliya la saxiixato laba shirkadood, si ay sahmin shidaal, baaris iyo qodisba uga sameeyaan dalka.

Heshiiska shidaalka oo dorraad illaa shalay la fillaayay in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, ka dib markii ay soo baxeen arrimo aan lagu sii tala-gelin.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskan la galeysay labada shirkadood oo dibadda laga leeyahay, laguna kala magacaabo Coastline iyo Liberty.

Madaxda labada shirkadood oo maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib uga dhoofay, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in khubaro ka tirsan Baanka Adduunka ay walaac ka muujiyeen inaan heshiiska loo marin xeerka qandaraasyada lagu bixiyo, dowladana ay dib isugu laabatay, si la isku waafajiyo shuruucdaas iyo hannaankii la rabay in loo maro.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Axadii si weyn uga horyimid heshiiska la fillayay in Dowladda Federaalka ay Magaalada Muqdisho kula saxiixato shirkadahaasi shisheeye.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sababeeyay sababta ay u diidan yihiin heshiiska uu Golaha Midowga Musharaxiinta sheegay in ay Dowladda Federaalka dooneyso inay la gasho labaasi shirkadood.

“Walaaca noo muuqdo wuxuu yahay, xog waxaan helnay in Wasaaradda Batroolka ee Dowladda Federaalka ay dooneyso inay heshiis la gasho laba shirkadood, heshiiskaasoo la xiriira ruqsad siin ay ku bixineyso ruqsad baaris shidaal lagu sameynayo dalka meelo ka mida, arrintaasaa walwal iyo walaac weyn aan ka qabnaa, saasaana ku soo saarnay qoraalka aan la wadaagnay dadka Soomaaliyeed iyo shirkadihii ay arrintaan quseysay, intaba,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Sharciyada shidaalka iyo hannaankiisa ma dhameystirna, sidaad la socotaan sharciga wadaagga khayraadka weli lagama heshiinin, sharciga canshuuraha la xiriira wixii ka soo baxa khayraadka dabiiciga weli ma dhameystirna, sharciga iibka shidaalka isna ma dhameystirna. Marka sharciyadii la xiriiray shidaalka hay’adda waad la socotaan xukuumaddii xil gaarsiinta Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed uu sii haayay ayaa lagu ansixiyay oo sharci darro ayay ahayd oo ma haysanin xukuumadaas kalsoonida Baarlamaanka.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka oo dhan iyo habla gua wado uu yahay sharci-darro, sida uu sheegay.

“Waxa dhan ayaa (kow) sharci darro ku dhisan, (Labo) waxaan sharki weyn ka qabnaa xilliga lagu soo aadiyay, iyadoo dhawr iyo afartan maalmood ay ka harsan tahay xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la yiraahdo shirkado shidaal ayaa heshiisyo lala gelayaa waqtiga aadka u kooban ee ka dhiman muddo xileedkii Madaxweynaha iyo Hay’adaha Dastuuriga, Baarlamaanka tiisiina ay dhammaatay. Waxaan u aragnaa maslaxo qaas ah oo ololaha doorashada lagu gelaayo inay tahay, hantina looga raadinayo shirkadahaasi. Marka anaga walwalkaasaa qabnaa, waana ka digeynaa, Madaxweynahana qoraalaa u dirnay, shirkadaha arrintaas raba inay galaana qoraalaa u dirnay,” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo la hadlay BBC.