Xog: Cabdi Xaashi oo lagu qanciyay afar xubnood

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, afar xubnood oo ka socda dhanka guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu dari doonaa guddiga doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi oo ay dowladda horay u magacowday.

Ilaha xogta siiyay Caasimadda Online waxey intaas ku dareen in is fahamkaan lagu gaaray magaalada Garowe, oo ay ku shireen dhinacyada isku haya arrintan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa kulan ku yeeshay Garowe intii uu socday shirkii ay soo qaban qaabisay hay’adda Heritage, waxaana lagu gaaray is fahamka ah in afar xubnood la siiyo Cabdi Xaashi laguna daro guddiga hadda.

Cabdi Xaashi wuxuu horay si cad uga soo horjeestay guddigii ay dowladda magacowday, isagoo ku dooday inuu yahay qofka ugu sarreeya ee matalaya dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi isla markaana uu xaq u leeyahay inuu soo xulo guddiga doorashada, balse sida la tabinayo waxaa lagu qanciyay in afar xubnood loogu daro guddiga.

Sida muuqata guddiga ay dowladda magacowday ee qaabilsan Doorashada Xildhibaannada Gobollada Waqooyi wey shaqeyn doonaan maadaama is faham laga gaaray.

Guddiga doorashada heer Federaal oo ay dowladda magacowday aan lagu wada qanacsaneyn, waxaana si cad uga hor yimid dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu wax ka badalo qaabka loo wado guddiyada doorashada kadib cadaadis uga yimid beesha Caalamka iyo musharixiinta.