25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xulafada Sacuudiga oo wacad ku maray inay ka hortagi doonaan dhawaaca ay Qatar u geystay Jabuuti

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhawaan ciidamadii ka joogay Xuduuda Jabuuti iyo Ereteriya kala baxday kadib markii ay labada dowladood kamid noqdeen ololaha ay sacuudiga hoggaamineyso ee xayiraada lagu saaray Qatar.

Haddaba markii ay ciidamada Qatar halkaas kasoo baxeyn waxaa durba Xuduudda labada dowladood laga dareemay saansaan colaadeed oo aad xalis ah, waxayna midaas keentay inay xulafada Sacuudiga si deg deg ugu yaboohaan ciidamo halkaas la geeyey.

Dowladda Masar oo kamid ah xulafadaas ayaa sheegtay inay xuduuda labada dowladood ay geyn doonto ciidamado si ay usii jirto xasiloonidii halkaas ka jirtay markii ay joogeen ciidamada Qatar.

Masar ayaa ku goodisay inay buuxin doonto booskii ay baneysay Qatar, waxayna hadda Masar wajaheysaa mucaarad xoog leh oo uga imaanayo dowladda Itoobiya, waxayna hadda Itoobiya wadaa ololihii ugu weynaa oo ay ku dooneyso inay uga hortagto inay Masar halkaas geyso ciidamo nabad ilaalin ah.

Dowladda Jabuuti ayaa dhigeeda Ereteriya ku eedeysay inay isku fidisay dhulka xuduudii lagu muransan yahay ee labada dowladood ka dhaxeeyo, isla markaasna waxay tallaabadaas ku tilmaamtay daandaansi .

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta isniinta ah go’aan ka gaari doonto muranka labada dowladood, wuxuuna kulankaas imaanayaa xilli dhawaan colaada labadaan dowladood loo gudbiyey Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa.

Djibouti waxay xulafo la tahay reer galbeedka oo waxa dalkeeda saldhigyo ciidamo ku leh Faransiiska iyo Maraykanka, sidoo kalena waxa dekeddeeda wax kala soo daga oo ka dhoofsada dalka ay Eritrea colka daahii go’ay yihiin ee Ethiopia oo ay Maraykankana gacansaar leeyihiin.

Eritrea ayaan xiriir fiican la lahayn reer galbeedka, waxaana hore loogu eedeeyey in ay taageerto kooxaha kacdoonka ka wada Soomaaliya iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah. Haseyeeshe eedahaa Eritrea way beenisaa.

- Advertisement -

Read more

Local News