Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii shalay ahayd degmada Doolow ee gobolka Gedo gaadhay wafdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Jubaland Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Wafdigan oo ka kooban wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa halkaas u tagay wadatashi ku aadan soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland oo sida qorshuhu ahaa ay ahayd in lasoo afmeero daba yaaqada Bishan February.
Wafdiga ayaa waxaa degmada Doolow ku soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka degmada iyo shacabka ku dhaqan magaalada.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland oo hadlay ayaa sheegay in magaalada Doolow ay ku sugan yihiin odyaashii dhaqanka ee degmooyinka Baled xaawo,Luuq iyo Doolow ayna diyaar uyihiin xulista xubnihii kamid noqon lahaa xildhibaanada baarlamaanka Jubaland, wuxuu intaas raaciyay inuu rajeenayo in dhawaan ay ku soo biiraan odayaal ka socda garbahaarey iyo Ceelwaaq.
Xulista xildhibaanada baarlamaanka Jubaland ayaa qorshuhu sida uu ahaa loogu talagalay in lagu soo afmeero muda bil ah oo kasoo bilaabatay 21/01/2015 kuna eg 21/02/2015.
Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Odayaasha qaar ay u jabeen shirka Midnimo oo isagu looga soo horjeedo Maamulka Jubbaland, waxaana ay wararku sheegayaan in Khilaaf xoogan uu iminka ka taagan yahay qaabka loo soo xuli lahaa Xildhibaanada Maamulka Jubba.
Odayaasha qaar ayaa iyagu faarujiyay Hoolka shirka lagu dhisaayo Baarlamaanka, halka Qabaa’ilada qaarna ay iyagu si kam ah uga baxeen, kadib markii ay sheegen in Maamulka uu kala hor imaaday faquuq.
Dhanka kale, waxaa lasoo warinayaa in shirka uu ku dhaco dib u dhac maadaama Odayaashu ay kala go’een, waxaana sidoo kale suuragal ah inuu si wanaagsan usoo idlaado.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

