Xuutiyiinta oo galay gudaha Sacuudiga, qarkana u saaran in qabsadaan gobolka Najran

Sanca (Caasimada Online) – Ciidamada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa qarka u saaran inay qabsadaan gobolka Najran ee dalka Sacuudiga kadib dagaal xooggan oo dhacay maalintii ciidda iyo wixii ka dambeeyey.

Mucaaraadka Xuutiyiinta ayaa weerar xooggan ku qaaday gobolka, waxaana ay qabsadeen dhowr goob oo milatari oo ku yaalla gudaha gobolkan dhaca Koonfurta Sacuudiga, sida ay sheegeen.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Sarei ayaa wakaaladda wararka Yemen ee SABA u sheegay inay gacanta ku dhigeen 20 goob oo milatari oo ku yaalla gobolka Najran.

“Ciidamdeenna waxay ka awood badiyeen kuwa naga soo horjeeda, kadib saddex weerar oo aan uga soo qaadnay saddex dhinac” ayuu yiri Yahya.

Waxa uu sheegay inay dileen ama ay dhaawaceen in ka badan 200 oo ah dagaal-yahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee u dagaalamaya Sacuudiga, intii uu socday dagaalka, halka qaar kalena ay gacanta ku digeen. Waxa uu sidoo kale sheegaya inay qabasadeen agab ciidan.

Taleefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masirah ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya ciidamadooda oo dilaya ciidamada daacadda u ah Sacuudiga ee gobolka Najran ka dagaalamaya.

Inta badan ciidamada Sacuudiga u dagaalmaya ee gobolka Najran ayaan ahayn Suucidyiin. Badankood waxay kasoo jeedaan dalka Yemen, waana maleeshiyo sabool ah oo u dagaalamaya lacag darteed.

Mid ka mid ah dagaal-yahannadaas ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye “Markii uu ramadaanka dhammaad ahaa, ciidamo badan ayaa naga tagay oo aaday qoysaskooda si ay ciidda ula soo qaateen. Xuutiyiinta way ogaayeen tan, sidaas darteedna waxay naga soo qaadeen dagaal culus.”

Dagaalka ayaa weli ka socda Najran, waxaana Xuutiyiinta ay sheegeen inay u dhow yihiin inay gacanta ku dhigaan gobolka oo Idil.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com