Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay in la dilay madaxweynihii hore ee Yemen Ali Abdallah Salah + Sawir

Sanca (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Ali Abdallah Salah ayaa lagu dilay magaalada Sanca, sida laga sheegay raadiyaha wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiita.

Ma jiraan warar kale oo madax banaan oo arrintan xaqiijinaya.

Xisbiga Salah ayaa goor hore beeniyey in hoggaamiyahooda la dilay, waxayna sheegeen inuu weli hoggaaminayo ciidamada dagaalka kula jira Xuutiyiinta ee ku sugan magaalada Sanca.

Salah ayaan si kastaba sameyn wax soo muquasho shaacsan ah, tan iyo markii warkan la baahiyey.

Ilo-wareedyo ku dhow Salah ayaa taleefishinka Aljazeera u sheegay in madaxa kooxda qaabilsan sugidda ammaanka Salah, Hussei al-Hamidi sidoo kale la dilay.

Goor sii horreysay ayaa waxaa sidoo kale soo shaac baxay in kooxda Xuutiyiita ay qabsadeen inta badan gacan ku haynta magaalada Sanca, ayna ka adkaadeen ciidamada Ali Abdallah Salah uu hoggaamiyo.

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa baahiyey muuqaal ay ku sheegeen meydka Ali Abdallah Salah.