Wadooyinka waxay u xiran yihiin Farmaajaa xilka laga qaadayaa!!

Saakey waagu markuu Waaga baryey ayey dadka ku soo tooseen Wadooyinka Muqdisho Xiran , qof waliba waxaa uu maaleyey Lugtiisa , anigana  inta Lugta furay  ayaa waxaa dhacdey in  intii aan socdey  waxaa iga horyimid nin Saaxiibo Nahay , markiiba waxaa uu igu soo tuurey hadal aan aad ula yaabey oo ahaa “Saaxiib waxba ma ogid  ma taqaanaa sababta ay  Wadooyinka u Xiran yihiin “ markaas baa iiri “ oo maxay tahay” Markaasuu I yiri “ inta dhegta ii soo dhaweeyey  “ma ogid miyaa  in Madaxweyne Farmaajo Xilka laga qaadayo oo  Mooshin laga keeney

Waa sii dhaqaaqey  intii aan soio socdey ayaa hadana Telka ii soo dhacay markii aan qabtey ayaa  ninkii I soo wacay igu yiri  isagoo waxba I weydiin “Wariye Wadooyinka waxay u  Xiran yihiin ma garaneysaa  markaas baan iri “Maya Saaxiib  markaas buu I yiri “Waxaa maqley in Raiisul Wasaare  Khayre Xilka laga qaadayo haatana uu kulan uu ka socdo Xarunta Madaxtooyada “

Markii aan gaarey Goobtii aan doonayey oo aan fariistey Shaahna Dalbadey  ayaa hadana telkii ii soo dhacay waaba nin aan aqaan  “markaasuu I weydiiyey sababta ay Wadooyinka u Xiran yihiin “Waxaa ku iri “Waxaa maanta jira shir weyne looga hadlayo arriimaha amaanka” markaasuu I yiri “Wariye Saas ma aha” markaas baan iri “ adiga ii sheeg “ inta  Warkii xoogaa hoos u dhigey ayuu yiri “ Qof kale ha u sheegin “ Waxay Wadooyinka u Xiran yihiin waxaa isku dhacay Farmaajo iyo Khayre marka Saaxiib wax ma ogid sidaa ula soco”

Markii Laba jeer Kabadey Shaahii waxaa  I soo ag fariistey Nin odey ah markaasuu iri “ Saaxiib waan soo lugeeyey waxaan kuu sheegayaa “Dowladii hore waan  inkaareyney hadii aan nahay Shacab maanta sowa ma mudna in aan inkaaro Farmaajo” waxaan ku iri “Maxaa intaa u gaarsiineysaa “ markaasuu I yiri “intaa iyo ka badan baa leeyahay waayo  Fiiri haweenka uurka leh ee Lugeynaya, Fiiri Gawaarida Khudaarta sida ee Wadooyinka laga xirey, Fiiri Haweenka Shaaha iibiya ee uu ku baarey Shaahii, fiiri Maqaayadaha iyana Cuntooyinka  wax ka Cuna la waayey sow inkaar kama imaaneyso aawey Shacabkii loo hiilinayey ee Banaanbaxyada Taageerada u sameeyey Farmaajo

Calaa kuli Xaal waxaan ku leeyahay Dhamaantood  kuwii hore iyo kuwaan waa isku Naqshad wax isbedel oo aan hayno ma jiraan” waxaan ku iri “Saaxiib ha deg degin  ee arrinta Habaar ha gaarsiin waxaa ii Muuqda  ifafaalo Nabadeed” isku soo duubo Shacabka waxay Mudnaayeen Wargelin ah in Wdooyinka la xiraayo si ay ugu tashadaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid