Itoobiya iyo Israel yaa u daran Soomaaliya ?

Soomaali badan ayaa aqbaar fiican ku sheegay inuusan madaxweyne Farmaajo la kulmin ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, labadda nin ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay caleemo saarkii madaxweynaha Kenya, sida aan xogta ku heyno ma jirin kulamo qaas ah oo qorshaha ugu jiray madaxweyne Farmaajo.

Laakiin waxaan fahmi waayay colaadda ka dhaxeysa Somalia iyo Israelkuwaas oo aan xuduud wadaagin, weligood is colaadin ,badanaa is arkin, galaangal siyaasadeed uusan ka dhaxeynin , taa badalkeeda isla dadkaas waxey ku faraxsan yihiin in madaxweyne Farmaajo la far fariisto Itoobiya, heshiisyo la galo, deeqo waxbrasho ka dalbado, ciidan iyo garab walaaltinimo weydiisto iyo inuu madaxdooda xabadka galiyo lana shaaxo.

Inkastoo aaney waxba ka jirin sheekadda kulanka Farmaajo iyo Benjamin Netanyahu hadana waxaan qaadan waayay hadaladda dadka arintaas aqbaarta fiican ka dhigay, halkee u socona ?, waase kuma cadawgeenu Itoobiya mise Israel ?

Itoobiya waxey Somalia ku dishay in ka badan 40 kun oo qof tan iyo markii ay dhacday Dowladii Siyaad, hubka ay isugu diibtay Soomaalidda in ka badan 20 kun oo ruux ayuu galaaftay, boqolaal Soomaali ah ayaa u xiran, oo qaar la jirdilay kuwana lagu xad gudbay oo la kufsaday, dhul Soomaali leedahay oo 1500km ka badan ayey xoog ku heysata, siyaasad ahaan ayey Somalia oo dhan u adoonsata maalintii Siyaad baxay ilaa hadda, inaan helno Dowladd awoodleh ayey hortaagan tahay sidaas oo ay tahay waa walaalaheen ayaan dhahnay, laakiin Isreal oo xitaa aanan qaarad wadaagina waa cadawgeena.

Ma aaminsani in uu madaxweyne Farmaajo diidi lahaa hadii kulankaas lagu casuumi lahaa marka aan ka cabir qaato sidda ay isugu xiran tahay siyaasadda USA, Isreal iyo Itoobiya, baqtiga waa cunaa laakiin fuudkiisa ma cabo.

Nasiib daro ka xun ma jirto in aadan aqoonin cida aa tahay iyo meesha aad u socoto, mida kale iska dhaa dhicinta qiyaaligu waa fikir xumo ee ma’ahan muxaafidnimo ama mucaaradnimo.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid