Yaa fuliyey weerarkii lagu laayay ajaaniibta ee xalay ka dhacay BOOSAASO?

Boosaaso (Caasimada Online) – Maleeshiyada Daacish ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyada weerar abaabulnaa oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee Puntland.

Weerarka oo ahaa mid lagu laayay ajaaniib kasoo jeeda dalka Ethiopia ayaa waxaa sheegtay isla markaana ku faanay xagjiriinta Daacishta Somalia.

Toogashada oo dhacay xalay fiidkii ayaa waxa ay si gaara uga dhacday xaafada Suwayta oo ku dhow aaga Dakada Boosaaso waxaana lagu dilay 4 Ethiopian ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromo.

Isla weerarka ayey Daacish ku dhaawacday laba kale oo ajaaniib ah oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada.

Waxay ku sheegen qoraalkooda in weerarka ay si gaara u fuliyeen rag hubeysan oo qeyb ka ah shaqsiyaadka camaliyaadka khaaska ah fuliya kuwaasi oo ay tilmaameen inay si nabad gelyo dilka kadib goobta uga baxsadeen.

C/salaam Bashiir, oo ah Duqa degmada Boosaaso ayaa xaqiijiyay raggii dilka geystay inay baxsadeen, balse ay jiraan baaritaan ay wadaan ciidamada ammaanka.

Dilka ay ku faantay Kooxdan Daacish ee ku cusub Somalia ayaa kusoo beegmaya xili dhalinyaro u badan rag iyo dumar una  dhashay dalka Ethiopia ay ku nool yihiin magaalada Boosaaso ee Puntland.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ay la tacaalaya xal u helida beegsiga lagu hayo ajaaniibtan oo Seddexdii bil ee ugu danbeysay sii kordhaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com