Yaa furay shirka Afisyoone ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir horudhac ah oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan ay saxaafadda dibad joogga ka tahay ayey xubnaha ka qeyb galaya kaga arrinsanayaan ajandaha shirweyne lagu saxiixo heshiis doorasho loo dhan yahay.

Warbaahinta dowladda waxey sheegeen in shirka uu furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo wakaaladda wararka ee SONNA lagu qoray qoraalkaan:

“Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka yihiin, Ra’iisul wasaaraha XFS ,Madaxda maamul gobolleedayda dalka iyo maaamulka gobolka Banadir”

Dhanka kale, afhayeenka madaxweynaha Puntland ahna agaasimaha madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland Jaamac Deperaani ayaa bartiisa soo dhigay in Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qeyb galayo kulanka balse ma xusin xusin inuu shirka furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhaamaday.

“Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ka qeybgalaya Shir hordhac ah oo dhexmaraya Madaxda Dowladda DFS ee wakhtigoodu dhammaaday iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaasi oo loogu gogol xaarayo Shirweynaha wadatashi oo looga hadlayo arrimaha doorashada” ayuu yiri Jaamac Deperaani

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiril: “Shirka oo ka socda teendhada Afisyooni waa mid ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana ujeedkiisu yahay in is afgarad laga sii gaaro Ajandaha iyo habka uu u qabsoomayo Shirweynaha wadatashi ee arrimaha Adoorashada”

Caasimada Online ayaa dhowaan qortay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadisay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni in la laabtaan shuruurddan islamarkaana ogolaadan in Farmaajo shirka guddoomiye, ayaga oo u sheegay inaysan muhiim aheyn cidda shirka guddoomineysa haddiiba shuruudaha kale ee ay wataan la fuliyo.