Yaa hogaanka noo haaya?: Dhacdadii Boosaaso

Waxaa socda shirar ka kala dhacaya meelo kala duwan sida Boosaaso, Cadaado iyo Dh/Mareeb…Waxyaabaha dadku aysan dareemin waxaa ka mida in kulanka Boosaaso uu ahaa mid iska yar oo C/Weli Gaas ugu tala galay inay ku kulmaan asaga , Axmad Madoobe iyo Qaswadayaasha Xamar ka tegay oo qaarkood u dhar-dhigtay in shacabka Muqdisho u gefaan, kuna tilmaamaan tuugo dadka ka furta waxa ay sitaan.

In talada dalka aysan ku jirin gacanteena waxaa markhaati ka ah in Madaxweyne Xasan Sheikh, oo aan filaayo inaysan qorshaha ugu jirin, lagula taliyay inuu Boosaaso tago, horena u wato badiba shakhsiyaadka ugu dhaw-dhaw oo dhan. Munaasabada Boosaaso waxay tahay, sida la sheegay, garoon diyaarad oo la furaayo oo aan mudneyn in intaas oo masu’uuliyiin ah ay isugu tagaan, waa haddii ay talada iyaga ka go’odo, balse waa arrin, aan u maleynayo, in meelo kale lag maamulo.

C/Weli Gaas wuxuu sugaayay Axmad Madoobe iyo Qaswadayaasha Xamar si ay uga tashadaan carqaladeynta iyo fashilinta shirka Kismaayo, waxayse arrintu isu beddeshay mid aysan Puntland shaqo ku lahayn, arrinkina laga fara maroojiyay, lagana dhigay mid Qaran ay iyagu laftoodu marti ka yihiin. Bahdilka C/weli Gaas waxaa sii kordhiyay dhacdo uusan marna fileyn in saaxibkiis Madoobe uu tegaayo Galmudug, aqoonsi buuxana siiyay Cabdikariim Guuleed iyo Galmudug.

Dhanka kale, C/kaiim Guuleed isagana waxaa ku dhacday dharbaaxo lama filaan ahayd oo uu ku dhuftay Jawaari kaddib markuu tegay Dh/Mareeb oo ku ahayd Galmudug laf-dheray-geli weysay. Jawaari waxaa laga sugaayay inuu tago Bakool Sare si uu Shariif Xasan,Koofur Galbeed, uga naxsado, laakin waxaa lagu amray inuu tago Dh/Mareeb!!! Xikmada ka dambeysana waa mid ay odoroseen aqoonyahannada taxliiliya arrimaha Somaliya!!!

Waxaa jirtay sheeko kaftan ahayd oo carbeed (NUKTA)…nin Acraabi ah (reer baadiyo) oon weligii salaad dukan ayaa la geeyay masaajid markaasaa la yiri dadkan la duko oo sameey wixi la sameeyo. Wuxuu istaagay imaamki gadaashiisa oo sujuudi ugu horreysay ayaa acraabigi isagoo sujuudsan xiniinyaha laga qabtay..isagoo fulinaaya taladi ahayd wixi la sameeyop sameey uu asagina Imaamki ka qabtay xiniinyaha; Imaamki ayaa yaabay oo markuu sujuudi ka soo noqon waayay uu sameeyay calaamadi Xiim…xiim..si uu isaga fujiyo acraabigi..kaasoo isagana la hadlay Imaamkli oo yiri ” ama xiim dheh ama xaax dheh kullunaa maqfuuliin”war meesha waa la isku wada dheggan yahay.”

Dadki umadda madaxda u noqday waa dad iyaga oo dhan is-wada heysta oo xiniinyaha isaga dheggan hogaankana loo haayo oo meeshi loo diro iyo wixi la faro fulinaaya hadal la’aan…Sababta keentay in Madaxdi dalka ugu sareysay ay isugu tagaan mataar la furaayo oon wax ahamiyyad gaar ah aan lahayn, ajenda laga hadlaayana uusan muuqan, wax kulan ah oo dhex mari karaa inta meesha isugu tagtay uusan jirin.

Inta dareenka leh waxay meeshaas kala soo bixi karaan, , in hogaanka dalkaan uusan ku jirin gacanta Soomalida. Shirka lagu ballansan yahay ee Kismaayo waa mid dhalanteed ah oo dadka lagu marin habaabinaayo, wax natiijo ahna aan laga fileyn inay ka soo baxaan. Kuwa hoogaanka u haya Somaliya haddey rabaan waxay arrinta ku dhammeyn karaan Boosaaso oo ay wada joogaan cayaartoydi oo dhan, kuwa maqanna muddo kooban lagu keeni karo ama lagu amro inay yimaadiin wixi la farana ay fuliyaan su’aal la’aan.

Shacabka Somaliya waa kuwo aan marna wadaagin dareen dal jeceyl oo wixi la isu sheego oo waano iyo wax-is-tusin ah oo danta dalka ku jirto ay qaar u arkaan mid u daneyheysa jufo gaar ah, marka waa arrin u xalaalowday kuwa na heysta inay sidi eri carbeed hadba xero nagula soo oodo oo naloo tusiyo kan walaalkaa ah inuu yahay cadaw mudan in lala dagaallamo, waa tii uu ka dhawaajiyay C/weli Xiirane oo u hanqal taagaya inuu Somali madaxweyne u noqdo isagoo caddeystay cadaawada iyo neceybka uurkiisa ku jira taasoo ka tarjumeysa caqligiisu intuu la’egyahay….Ilaahow kuwa asaga oo kale ah, ama ka liita, talo ha noogu dhiibin!!! AAMIIN.. AAMIIN.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com