Odowaa oo yiri hadal uu ka danqaday A/Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa oo ku sugan magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay qaabka ay DFS u dooneyso in Somalia looga hirgaliyo nidaam udub dhexaad u ah Beelaha Soomaaliyeed.

Odawaa waxa uu sheegay in wadatashiga uu leeyahay faa’iidooyin badan, sidoo kalane ay ka dhalanayaan arragtiyo sii kala fogeynayso Dowlada iyo Maamulada dalka.

Wuxuu sheegay in faa’iidadu tahay in Somalia ay xal ku gaarto hal qorsho, islamarkaana amuuraheedu ay ku xalisato miiska dushiisa iyada oo aysan ku dhex jirin beesha caalamka.

Arragtida sii kala fogeyneyso ayuu sheegay inay tahay in maamul waliba uu lasoo horfadhiisto DFS go’aan ku xeendaaban rabitaankiisa, halka maamulka kalane uu go’aankaasi ka hor imaanaayo, taasina ay sii kala fogeyneyso Siyaasada ka dhextaagan Dowlada iyo maamul Goboleedyada dalka.

Sidaa awgeed ayuu Wasiir Odawaa sheegay in DFS ay mar waliba ka mirro dhalineyso qorshaha ku haboon Siyaasada Somalia si dhex dhexaad looga noqdo Siyaasada taagan.

Odawaa waxa uu farta ku goday in DFS aysan shirka Kismaayo ku raali galin doonin maamul gaar ah, haddii ay dhacdo in maamul lagu tiigsado ay Dowlada ku tiigsan doonto Maamulka Jubbaland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe bacdamaa isaga marti loo yahay.

Axmed Madoobe ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu muujiyo dulqaad maadaama maamulkiisa uu ka taya badan yahay maamulada kale, waxa uuna hadalkaasi danqiyay Axmed Madoobe oo dareen gaar ah ka muujiyay biyo dhaca hadalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee Odawaa ayaa sheegay in Dowladu ay u badan doonto dhanka ay u bataan maamulada, haddii dhexdooda ay isku fahmi’waayana ay Dowladu go’aan gaar ah gaari doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com