Sawir qosol leh: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farax C/qadir oo saaran gaariga “Riyada Qaran”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ujeedka sawirkaani ayaa ah mid lagu muujinaayo qorshooyinka ka dhexeeya Madxaweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Madaxweyne Xassan oo wada gaari aan lugo laheyn ayaa waxaa uu ballan ku qaaday in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu u rumeyn doono riyadiisii aheyd in uu noqdo Madaxweynaha maamulka loo dhisi doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo hadda uu socdo shirka lagu dhisaayo maamulkaasi.

Faarax C/qaadir oo isna qeybta danbe ka saaran gaariga ”Riyada” ayaa waxa uu dhankiisa Madaxweyne Xassan Sheekh uga ballanqaaday inuu ka dhigi doono Madaxweynaha Cusub ee Somalia isaga oo ula kaashan doona saaxiibadiisa.

Gaarigaani cajiibka ah ee labada mas’uul lagu kulansiiyay ayaa waxa uu noqonayaa gaariga ”Riyada” waxa uuna micnihiisu yahay mid lagu muujinaayo riyo xumida heysa Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir.
FAARAX55 copy