Sawirro: Daacish oo ebtalo ka dhigtay JAKARTA

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa mar qura is qabsaday magaalada Jakarta ee xarunta dalka Indonesia kuwaasi oo ay ku dhinteen dad aad u farabadan oo shacab ahaa.

Qaraxyada dhacay ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 6 qarax oo mid kamid ah lala beegsaday goob ganacsi oo aad u weyn oo lagu magacaabo Sarina.

Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Daacish (Al-Amak), waxaana weerarkaasi ku nafwaayay 38 ruux, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 53.

Fududeynta weerarka ayaa waxa ay Dowladu dusha u saartay nin lagu magacaabo Bahrun Naim kaas oo xiliyo hore xabsi ku jiri jiray balse iminka u baxsaday gudaha dalka Siiriya wuxuuna ka mid noqday Mas’uuliyiinta ugu sar sareeysa ee kooxda Daacish .

Sanadku markuu ahaa 2009-kii ayaa weerar kuwan lamid ah waxaa lagu qaaday laba hotel oo ku taalla magaalada Jakarta.
Jakaarta1

Jakaarta4

Jakaarta5

Jakaarta6

Jakaarta7

Jakaarta8

Jakaarta9

Jakaarta10

Jakaarta11

Jakaarta12

Jakaarta17

Jakaarta16

Jakaarta15

Jakaarta14

Jakaarta13