Daawo Sawirro muujinaya BEESHA caalamka oo aan ka dhex muuqan hoolka shirka KISMAAYO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in shirka maanta aysan ka qeybgalin Wakiilada Beesha Caalamka, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Wakiilada ayaa la soo warinayaa in badankooda ay dib ugu laabteen goobihii ay ka imaaden kadib markii ay sabab uga dhigeen dib dhacyadii uu sameeyay Madxaweyne Xassan Sheekh.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in xubnahaasi ay Kismaayo isaga dhoofen maalinimadii shalay, inkastoo bixitaankooda uu aad uga xumaaday madaxweyne Xassan, hadana ma aysan u joojin oo wey isaga baqoolen Kismaayo.

Xubnaha beesha caalamku ayaa maqnaanshihii Xassan Sheekh ee Afarta maalin ay u fahmeen arrimo siyaasadeed oo lagu jaahwareerinayo furitaanka shirka iyo mowduuca xasaasiga ah ee miiska saaran ee qaabka loosoo xulayo xubnaha labada aqal.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta dalkooda iyo xarumahooda dib ugu laabtay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Mr Tedros oo isagu sheegay in waqtigii uu ugu talogalay ka qaybgalka shirka uu dhammaaday, islamarkaasina madaxweyne Xassan Sheekh uu fursad badan beel dareeyay.

Goobihii loogu tallo galay inay fadhiistaan Xubnaha Beesha caalamka iyo wadamada deriska la ah Somalia ayaa aheyd mid faaruq waxaana Hoolka ka dhexmuuqday kaliya madaxda dalka.

Lama oga sababta dhabta ah ee shirka looga waayay Wakiilada Beesha caalamka iyo Dowladaha deriska la ah Somalia kuwaasi oo aan kasoo dhexmuuqan Hoolka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

k