Somaliland oo weerar kula wareegtay meel uu ku sugnaa Cali Khaliif Galayr iyo xog sheegaysa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah ula wareegay tuulada Balli-cad oo qiyaastii dhanka koonfur galbeed 80km uga beegan xarunta Sool ee Laas-caanood.

Ciidamada Somaliland ayaa ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan waxa ayna tuuladaasi la wareegen xili uu ka socday qabanqaabo shir.

Tuulada Balli-cad ayaa waxaa lagu waday in maalinta beri ah uu ka furmo shir laba maalin ka hor uu ku dhawaaqay madaxweynaha Khatoumo Cali Khaliif Galeyr.

Ciidamada Somaliland ayaa rasaas ooda uga qaaday dad shacab ah oo ku howlanaa qurxinta goobta shirka uu ka furmi lahaa maalinta bari oo Jimco ah.

Xiliga tuulada Balli-cad ay ciidamada Somaliland ku qaadayeen weerarka ayaa waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr.

Illaa hadda ma jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee Somaliland iyo dhanka Khaatumo oo haatan noqonaysa markii saddexaad ee ay shirar ku lahaayeen laga qabsado.

Dhanka kale, waxaa hadda tuulada Balli-cad ku sugan ciidamada Maamulka Somaliland xili halkaasi la filaayo in maalinimada Jimcaha ay ku shiraan Maamulka iyo Odayaasha Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com