J/Carabta oo 6 qodob kasoo saartay SOMALIA..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Baarlamaanka wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa looga hadlay xaalada iminka ka taagan dalka Somalia.

Warbixinta ayaa waxaa lagu dhiirigalinaayay DFS, oo loogu baaqay inay xoojiso isku imaatinka Umadda Soomaaliyeed.

Warbixinta Baarlamaanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Jaamacada carabta ay garab boodeyso DFS, loona baahan yahay in Dowladu ay meesha ka saarto tafaraaruq iyo is uruursi Siyaasadeed iyo mid qabiilba.

Sidoo kale, warbixinta ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo khuseeya midnimada Somalia iyo kaalinta Jaamacadda Carabta waxaana kamid ah:-

1-In laga hortaggo kala qaybsanaan Somalida dhexdeeda ah

2-In la xaqiijiyo, lana raadiyo midnimada iyo wadajirka Ummada Somaliyeed

3-In dib u heshiisiin loo sameeyo dhinacyada Somalida, si ay isugu soo dhawaadaan

4-In lala dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo kooxaha kale ee diidan midnimada Somalia

5-In ay muhiim tahay ilaalinta badda iyo xasiloonida Somalia

6-In laga hortaggo cid kasta oo damacsan inay fara-gelin ku samayso madax banaanida Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.co
m