Warbixin: Ciidamada Ethiopia oo looga maarmi waayay madasha shirka madasha wada-tashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland la geeyay ciidamo ka tirsan Dowlada Ethiopia oo kamid noqon doona howlgalada AMISOM ayaa waxaa hadana soo baxaaya in ciidamadaasi ay goordhow la wareegen qeybo kamid ah madasha shirka.

Ciidamada madasha ku sugan ayaa waxaa loo kala qeybiyay 2 qeyb oo qeyb kamid ah ay yihiin dhar cad ka kala tirsan kuwa Ethiopia iyo Jubbaland, halka qeybta labaadna ay ka yihiin kuwo ku labisan dareeska ciidamada oo loogu tallo galay in muuqooda laga cabsado.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in qaar kamid ah ciidamada Ethiopia la dhigay kontoroolka koowaad ee xarunta, sida ay xogtu sheegeyso waxa ayna si gaar ah u baarayaan gaadiidka madow iyo kuwa ciidanka.

Xarunta uu shirka ka furmaayo ayaa waxaa lagu daadiyay ciidamo kor u dhaafaya 90 kuwaasi oo isugu jira dharcad iyo kuwa ku labisan dareeska ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka la adkeeyay guud ahaan amaanka magaalada, iyadoo la xiray wadooyinka bartamaha Magaalada ku yaala, waxaana wadooyinka lagu arkayaa askar fara-badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com