Xog: Xasan, Jawaari & CC oo raba mudo kororsi

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii madasha wadatashiga oo goor dhaw soo gabagaboobaya ayaa waxaa maanta diiradda lagu saaray in lagu heshiiyo qaabkii doorashada 2016.

Dood dheer kaddib ayaa madaxda dowladda Federalka ah waxaa la soo shir tageen in aanay doorasho suurta gal ahay waqti xaadirkan isla markaana aay dowlad goboleedyada ku heshiin waayeen in la yimaadaan nidaam sax ah oo heshiis lagu yahay, sidaa darteed waxaa aay soo jeediyeen in muddo kororsi labo (2) sano ah loo sameeyo dhammaan hay’adaha dowladda federaalka ah.

Waxaa fekerkan keenay Guddoomiyah Baarlabaanka JFS Maxamed Cusmaan jawaari waxaana la qaatay fekerkan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, RW CCC, Cabdiwa Gaas, Shariif Xasan, iyo Madoobe. Waxaana ka hor yimid oo diiday Cabdikariin Guuleed. Diidmada Guuleed ayaa uu eg mid loogu talo galay in lagu maaweeliyo shacabka Soomaaliyeed.

Gaas iyo Madoobe ayaa lagu qanciyay in la sameeyo aqalkii sare, kaa soo lagu soo xulayo 18 gobol.

Dhammaan wafuudii beesha caalamka ee madasha fadhisay ayaa waxaa aay arrintan ku noqotay fajac iyo amakaag. Mid ka mid ah oo aan si gooni ah ula hadlay ayaa ii sheegay “This is the end of Somali state” oo fasir ahaan noqoneysa “Tani waa dhammaadka dowlad Soomaaliyeed”

Waxaa iminka meesha ka socda muran is sawaxan badan oo lagu diidan yahay go’aanka lama filaanka ah ee la soo shir tageen madaxda Federaalka iyo kuwa gobolada. Shirka oo aan weli xirmin ayaa la filayaa in dhawaan laga soo saaro war murtiyeed. Go’aankan ayaanan aheyn mid kama danbeys ah. Urur goboleedka IGAD ayaa gooni gooni ula hadlaya madaxda oo aad moodo in aay ka soo horjeedaan go’aanka

Wixii soo kordha halkan ayaan idiinku soo gudbin doonaa

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimadda@live.com