Waa sidee xiligan jawiga magaalada Kismaayo?

Muqdisho (Caasimada Online)- Shirka madasha wadatashiga Soomaalida ayaa la filayaa inuu goor dhow oo maanta ah ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa furi doona Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Kismaayo.

Dowladda dhexe, maamul-goboleedyada, qaybaha bulshada, beesha caalamka iyo ururro caalami ah ayaa ka qayb galaya shirka.

Wadatashiga ka furmaya Kismaayo ayaa loogu ballansan yahay in lagu go’aamiyo waddada ugu habboon ee loo marayo doorashooyinka la rajeynayo inay dalka ka dhacaan sanadka soo socda ee 2016-ka.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, oo Magaalada waxaa laga dareemayaa inuu ka jiro isbedel weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com