JAWAARI oo ku biiray garabka Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan iyo xaaladda oo wali dhabaqsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saakay ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in aroornimadii saakay uu halkaasi ka furmay shirar gaar gaar ah oo u dhexeeya madaxda dalka iyo kuwa Gobolada.

Shirka Saakay halkaasi ka socda ayaa looga gol leeyahay in furitaanka shirka weyn ka hor la isla afgarto natiijo.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan hadda halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ku biiray garabka Madxaweyne Xassan Sheekh ee taageersan in Somalia lagu sii maamulo nidaamka 4.5.

Jawaari oo kamid ah kulamada Saakay halkaasi ka socda ayaa waxa uu ku dhex milmay madaxda Gobolada dalka isaga oo ay ujeedadiisu tahay inuu ka dhaadhiciyo mabda’a ah inaan laga tanaasulin 4.5.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Gulleed uu isna ka tanaasulay mabdi’iisii ahaa in Somalia lagu sii hago 4.5, inkastoo aan arrinkaasi la xaqiijin karin waxaana xusid mudan in mudooyinkii ugu danbeeyay uu ahaa mid la safan Xassan Sheekh.

Madaxweyne Xassan ayaa iminka taageero ka heysta Shariif Xasan, Jawaari iyo tirro xubno ah kuwaasi oo gadaal ka riixaaya arrinta taagan.

Docda kale, waxaa la xaqiijiyay in maanta uu si rasmi ah u furmi doono shirka wada-tashiga aayaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com