Xog: Madaxweyne XASAN oo ceeb siyaasadeed dhex fariisiyay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa jab siyaasadeed kala kulmay magaalada Kismaayo kadib markii uu tegay 10-kii Bishan isagoo ka hor maray madaxda sare dowladda Soomaaliya.

Wasiirka teer Itoobiya oo saaxiib gaara la ah maamulka Jubba iyo Axmed Madoobe ayaa bah-dil kala kulmay madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqsaday inuu tago magaalada Kismaayo intii uu wasiirka reer Itoobiya ku sugnaa saddex maalmood.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Tedros Adhanam uu Madxaweyne Xassan Sheekh ku dhaliilay mas’uuli darro, aadn u carreysan yahay.

Tedros Adhanam waxa uu ku doodayaa in wakhtigiisa uu ku lumiyay magaalada Kismaayo xili shaqooyin badan ay u yaalan, waxa uuna sababta dib u dhaca ku yimid ku sheegay habsanka Xassan Sheekh.

Khaladka siyaasadeed ee Wasiirka Itoobiya ayaa ahaa inuu caashaqay magaalada Kismaayo oo uu tago xaflad kasta oo lagu qabto, isagoo aan eegin darajadiisa diblomaasiyadeed.

Booqashada Tedros Adhanam ayaa aheyd hal maalin waxa uuna ku qasbanaaday in muddo 4 maalin uu kusii nagaado magaalada Kismaayo.

Lama huba in madaxweyne Xasan Sheekh ugu talogalay arrintan iyo inay isku soo beegantay xaalado kale oo heystay isaga, laakiin wasiirka arrimaha dibedda ayaa markii hore ku amray madaxda Soomaaliya inay yimaadeen Kismaayo, sida ay Caasimada Online qortay, waxaana laga yaabaa in Xasan ka aargudanayey.

Si kasta oo wax u dhaceen waxaa cad in Dr. Tedros Adhanom uu markan dhex fariistay ceeb siyaasadeed oo dib danbe uga fekeri doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com