Guuleed: 18 gobol wax ha lagu qeybiyo waa riyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si weyn uga hor yimid in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelan doonyo lagu saleeyo qaan degaan, wuxuuna sheegay in arrintaasi aanay suuragal ahayn xilligan oo ay si cad u diidan yihiin fekerka degaanka iyo goboladda.

Isagoo ka hadlayay xafladii furitaanka Shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayuu sheegay in dalku xaalad cusub galay oo aan lagu saleyn karin 18-kii gobol ee dowladda Kacaanka ay dhistay, wuxuuna si cad u sheegay in 18 gobol wax la yiraahdo aanay jirin, dalkana ay ka dhismeen maamul goboleedyo federaal ku saleysan oo wax kasta ay tahay in lagu saleeyo maamul goboleedyada.

Cabdkariin Guuleed ayaa ugu baaqay maamulka cusub ee loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan doorka ay ku leeyihiin aayaha dalka, isla markaana ay dadajiyaan dhismaha maamulka.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in gogosha la qabtay ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada labada gobolka, isla markaana ay noqoneyso dhameystirka nidaamka Federaalka waxaana uu intaa ku daray inay soo dhaweynayaan maamul u sameynta labada gobol oo daris la ah dowlad gobolleedka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com