Xog: Hal qariirad oo loo jeexay C/kariin Guuleed & Farax C/qaadir (Maxaa dhici doona dhowaan?)

25-kii bishii January ee sanadkii hore, ayaa waxaa Madaxtooyada Somaliya ka bilowday shirar dhawr habeen oo xiriir ahaa ka soconaayay, iyadoona lagu dejiyay qorshihii C/kariin Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed lagu gayn lahaa Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan & Shabellaha Dhexe. Si ay madax kaga noqdaan Maamulada Nidaamka Federalism-ka, ee sida la sheegay ay Somaliya qaadatay.

Qorshaha lagu diyaariyay Madaxtooyada Somaliya, ayaa ahaa qariirad sida la sheegay ay madax ku noqon karayaan shakhsiyaadkaasi, haddii sida ay tahay loo dhex qaado qariiradaasi. Wuxuuna ajandaha qariiraddu uu ahaa in marka hore la raadiyo doorka Odayaasha Golaha Dhaqanka, haddii ay taasi socon weydana in la kala qaybiyo Odayaasha. Odayaashii taageerada laga helana ay adeegsadaan Warbaahinta, iyagoo markaasi u afdhabaan-dhabaaya shakhsiyaadka loo wado Goboladooda.

Madaxweynaha Somaliya oo uu la socdo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa billihii February iyo March socdaal ku tageyMagaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud, isagoo markaasi u gogol xaaraayay yoolkii lagu soo dooran lahaa Guuleed. Madaxweynaha wuxuu markaasi uu si xoogan kaga horyimid in doorashada lagu qabtoDhuusamareeb, waayo wuxuu oggaa inay ka horimaanayso qariidadooda, oo qeexaysay in doorashada lagu qabto Cadaado.

Sababo ku aadan, iyagoo ka dheregsanaa in ciriiri uu ka imaan karay in la doorto Guuleed, haddii doorashadu ay ka qabsoomto Dhuusamareeb. Xilligaa dadka deegaanku waxay si adag kaga horyimaadeen in doorashada lagu qabto meel ka baxsan Dhuusamareeb, inkastoo markii dambe la musuq maasuqay.

Tallaabadii 1-aad ee loo qaaday qariiradan, ayay ku guuleysteen Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo shakhsiyaadka kale ee ku xeeran, markii C/kariin Xuseen Guuleed uu 4-tii bishii July noqdayMadaxweynaha Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo xubnaha ku dhow dhow, ayaa bishii December bilaabay olalaha Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed lagu gaynaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Bishii December ayuu Madaxweynuhu uu socdaal ku tagey Magaalada Baledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan, xilli uu la socday Faarax Sheekh C/qaadir.

Madaxweynaha ayaa is baray Odayaasha Dhaqanka iyo saxibkii, markii ay kulamo gooni gooni ihi ay la yeesheen. Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa ku kala qaybsamay in la taageero Faarax, maadaama ay Dowladdu diiday in doorashada Madaxweynaha Maamulka Shabellaha Dhexe & Hiiraan lagu qabto Baledweyne.

 

Sida ku cad qariiradda lagu diyaariyay Madaxtooyada, ayaa la qorsheeyay in doorashada ay ka dhacdo Magaalada Jowhar, cabsi ay ka qabaan awadeed inaan la dooran Faarax Sheekh C/qaadir.

Xilli Odayaasha Dhaqanka ay intoodu badan ku adkeysanayaan inaanay taggi doonin Jowhar, ayay Madaxweynaha iyo xertiisa ay ka cago jiidayaan in loo nuglaado rabitaanka bulshada deegaanka, si uun looga miro dhaliyo, qorshihii lagu soo dooran lahaa Faarax Sheekh C/qaadir. Faarax waa Mudane Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa sheegay inaanu shaki kaga jirin in Faarax Sheekh C/qaadir uu noqon doono, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Inkastoo siyaasiyiinta kale ee Goboladaasi ay olole ugu jiraan, sidii ay doorashada ugu soo bixi lahaayen, ayaa waxaa hadana la qiyaasayaa inaanay heli doonin taageerada dhaqaale, ee uu haysto Faarax.

Iskusoo wada-duuboo la’arki doonnee inay si sax ihi u hirgasho iyo in kale qariidadii loo xariiqay/diyaariyay Guuleed & Faarax, si ay u noqdaan awoodda Gobolada Dhexe Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com