Kismaayo: XASAN Sh. oo hal arrin ku adkeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararla laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkeysanaayo in DFS ay ku adagtahay inay ka tanaasusho nidaamka 4.5.

Shir habeenimadii xalay magaalada Kismaayo gaar ahaan Aqalka Juballand looga arrimiyo ku dhexmara Madaxweyne Xassan Sheekh, Madaxweynaha Jubbaland iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxa uu Xassan Sheekh ka sheegay inaan la joogin xiliga uu raali ka noqon lahaa in Somalia laga masaxo nidaamka jideeyaha u ah Somalia ee 4.5.

Xassan waxa uu shirka ka cadeeyay in maamulada Dalka uu inbadan ay usoo sabartay DFS, xiliga lagu jirana uu yahay xiligii ay u sabri lahaayen DF, islamarkaana looga baahan yahay inay ka laabtaan mowqifkooda ku aadan ka tanaasulida nidaamkaasi.

Wakhtiga yar ee uu kulanka socday ayaa lasoo warinayaa in halkaasi uu ka dhashay buuq iyo sawaxan waxaana jiro warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka baxay shirkaasi isaga oona sheegay in Xassan Sheekh uu caqabad ku yahay in Somalia loo helo xal Siyaasadeed.

Dadaal dheer kadib ayaa waxaa shirka lagu soo celiyay Axmed Madoobe oo aad uga carooday go’aanka uu wali ku adkeysanaayo Xassan Sheekh.

Madaxweyne Xassan oo isla shirka gudihiisa ay beesha caalamka ku saaren cadaadin ayaa waxaa laga dhaadhiciyay in arrinta ka tanaasulida 4.5 ay tahay mid u taalla maamulada oo idil isaga ay u furan tahay in saacado ka hor uu madaxda maamulada ka dhaadhicinkaro arragtidiisa balse ay mas’uul darri tahay in shirka uu carqaladeeyo.

Dhanka kale, Xassan Sheekh ayaa ogolaaday in Madaxda uu usoo bandhigo ra’yigiisa haddii laga batana uu ogolaan doono ka tanaasulida 4.5, waxa uuna soo dhaweeyay inuu diyaar u yahay inuu tanaasul sameeyo haddii laga bato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com