Xog: C/W Gaas oo hanjabay, dalbadayna 2 arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Kismaayo saacadihii ugu danbeeyay ay ka socdeen kulamo gaar gaar ah, ayaa waxaa la soo warinayaa in madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu aad uga carooday is jiid-jiidka ka dhextaagan shirka.

C/wali Gaas ayaa lasoo sheegayaa inuu ku hanjabay in dib uu ugu laaban doono Garoowe haddii uu maanta oo khamiis ah dib u dhac ku imaado shirka Kismaayo.

Gaas ayaa waxaa la sheegayaa in sidoo kale uu ku goodiyay inuusan kulan danbe la fadhiisan dooni DFS, gaar ahaan madaxweyne Xassan oo uu ku eedeeyay inuu yahay shaqsi danta guud ka hormariya tiisa gaarka ah.

Gaas oo ku jahwereeray shirarka gaar gaarka ah ee kasocda Kismaayo ayaa cadeeyay in mowqifkiisu yahay in Kismaayo uu kala tago natiijo farxad galisa shacabka Puntland, haddii la waayana aysan dib isugu imaan doonin kulan kale.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlaayay is jiid-jiidka wali taagan ayaa waxa uu madaxweyne Xassan Sheekh hordhigay 2 arrin oo kala ah:

1-Inuu ka tanaasuli nidaamka 4.5 oo uu adeeco rabitaanka maamulada dalka.

2-In furitaanka shirka ka hor uu wakiilada Beesha caalamka ka hor cadeeyo mowqifkiisa islamarkaana qabyo laga dhigo shirka marba haddii uu ka caga jiidaayo ballamihii lagu galay muqdisho.

Madaxweyne Xassan ayaa tilmaamay in joogitaankiisa Kismaayo ay sabab u noqoneyso dib u dhac ku imaada howlaha maamulkiisa, bacdamaa uu sheegay in wakhti ka badan kii lagu ballamay uu gaaray shirka Kismaayo.

C/wali Gaas oo aad u careysan ayaa madaxda DF iyo kuwa beesha caalamka u qabtay in furitaanka shirka uusan dhaafin maanta oo Khamiis ah.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono waxaana mar waliba suuragal ah in Shirka Kismaayo uu kusoo idlaado guul darri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com