Salad Cali Jelle: Waxaa jirta qiyaano cusub oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo jahwareer Siyaasadeed uu xiligaani ka jiro inta badan dalka Somalia xili la filaayo in gudaha sanadkaani uu ka dhaco doorashada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Siyaasi Salaad Cali oo dhinacyo badan ka hadlaayay ayaa sheegay in wadada ay iminka ku socto Somalia ay tahay mid niyad jabineysa Umadda Soomaaliyeed.

Salaad Cali waxa uu sheegay in sanadihii ugu danbeeyay doorashada Somalia ay aheyd mid Madaxweynaha ay dooranayeen Xildhibaannada ama Ergooyinka, balse taasi ay qeyb ka tahay qiyaanada qaranka lagu hayo.

Waxa uu Salaad tilmaamay in marnaba aysan suuragal aheyn in shaqsiga matali doona Umadda Soomaaliyeed ay qol mugdi ah ku doortaan Xildhibaano ama Ergooyin, taasina ay tahay mid mar waliba lagu duudsanaayo xuquuqda shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in dadk aysan dooran karin ninkii lacag haysta uu iibsan karo waxa uuna carabka ku dhuftay in kaliya xiligaasi Madaxweynaha uu ku imaankaro kasbashada shacabka.

“Haddii ay codeyso 12ka Milyan ee Soomaalida ah ee la i dooran waayo waan qanacsanahay laakiin haddii tiro yar oo la iibsan karo ay codeyso,iibsigu waa Ganacsi Ganacsi iyo Dowladnimada ismalaha”

”Jahwareerka ka taagan dalka xitaa waxa uu saameyn ku yeeshay musharaxiinta u taagan qabashada madaxtinimo ee dalka, waayo cid waliba waxa ay la ordeysaa reero gaar ah ama shaqsiyaad ku urur ah”

Salaad Cali jeelle waxaa uu sheegay in isaga uu isu heysto in uu ka mid yahay Hoggaamiyayaasha samata bixin kara dalka haddii la doorto sida uu yiri.

Dhanka kale, Salaad Cali Jeele ayaa shaaciyay inuu kamid yahay musharaxiinta u tartameysa qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com