Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furmi doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Faarax ”Darwiish” oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta uu Magaalada Kismaayo ka furmi doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Darwiish waxa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka iyo kuwa caalamka ay ku wada sugan yihiin magaalada Kismaayo, kaliyana loo baahan yahay in maanta uu shirka furmo.
Madaxda dalka ayaa Shirka Madasha Wadatashiga Qaran uga doodi doono noocii ay noqon laheyd qaabka lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ee lagu wado inay bedelaan Baarlamaanka iminka jira.
Qodobka ugu xasaasisan ayaa ah in Xildhibaanada lagu soo xulo hanaanka beelaha ee 4.5 iyo in lagu soo xulo qaab deegaan ahaan. Madaxda Somalida ayaa ku kala qaybsan noocii la qaadan lahaa.
Maamulka Jubba ayaa qaba in xulista Xildhibaanada BF aan lagu soo xulin qaab 4.5.
Geesta kale, Ciidamada Jubbaland ayaa xoojiyay amniga guud ee Magaalada Kismaayo, iyadoo la xiray wadooyinka bartamaha Magaalada ku yaala, waxaana wadooyinka lagu arkayaa askar fara-badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]