Soomaali ku dhibaateysan xabsi ku yaalla India

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The Indian Express ayaa qoray in xaalad adag ay soo food-saartay maxaabiis Soomaali ah oo ku jirta Xabsi ku yaalla Dalka Hindiya.

Wargeysku waxa uu sheegay in Maxaabiistaasi ay yihiin Burcad-badeed, islamarkaana ay la il daran yihiin Cudurka loo yaqaan Qaaxada ”TB-da”

Maxaabiistaasi oo u badan Soomaali ayaa waxaa laga soo kala qabtay Xeebaha Somalia iyo xeebo kale, xili ay ku guda jireen qafaalashada maraakiibta shisheeye.

Bukaanada uu Wargeyska qoray ayaa waxaa kamid ah Axmed Khaalim Mohamed oo qoraal dheer u diray Garyaqaankiisa si looga gaarsiiyo cudurka uu la jiifo, isaga oo qoraalkiisa ku cadeeyay inuu ku jiro xaalad adag.

Wargeyska The Indian Express ayaa qoray inuu Bukaanka sheegay inuusan doonaynin in lagu daaweeyo Isbitaalka JJ Hospital, wuxuuna door biday in loo wareejiyo Isbitaalladda kale ee ay dadka Gaarka leeyihiin (A private Hospital).

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Mumbai ayaa amartay Dhakhaatiirta Isbitaalka JJ Hospital inay faahfaahin ka bixiyaan Adeegyadda caafimaad ee lagu daaweeyo dadka la xanuunsan cuddurka Qaaxadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com