DOCUMENT GAAR AH: Dekedda Berbera oo lagu wareejiyay Itoobiya (Yaa saxiixay? + Lacagta)..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dokumenti sir ah oo aay heshay Caasimada Online ayaa waxaa ku cad in Dekedda Berbera gebi ahaanba lagu wareejiyay dowladda Itoobiya. Waxaa dokumentiga ku cad in qarashka ku baxayo dhismaha dekedan oo ah $1.8 Billion oo Dollar ayaa waxaa iska kaashanaya bixintiisa, Bankiga Adduunka, Bankiga horumarinta Africa, Bangiga horumarinta Islaamka, Qaramda Midoobay iyo Ururka EU.

Waxaa dhaqaalaha ku baxaya dhisidda dekedda Berbera kafiil ka ah urur goboleedka IGAD, iyadoo deynta lacagta lagu dhisayana aay tahay mid dusha ka saaran dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Anfaca ugu weyn ee dekeddan ayaa leh Itoobiya oo aan wax canshuur ah ka bixin doonin alaabada uga soo dega Berbera, waxaa intaa dheer in Shaqaalaha Dekedda Berbera 75% aay noqon doonaan shaqaale ka socda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dekedaha ee Dowladda Itoobiya sida ku cad heshiiska aay dhawaan magaalada Abu Dhabi ku kala saxiixdeen RW Itoobiya Haile Maryama iyo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa dhawaanahanba waxaa aay is weydiinayeen waxa ku dhacay qaranimadii Soomaaliyeed, iyadoo hadda aay maalinba maalinta ka danbeyso aay soo baxeyso in gebi ahaanba geygii Soomaaliyeed uu gacanta u galay oo laga xukumo Addis Ababa.

Waxaa kale oo jira in heshiis kale oo aan weli la shaacin lagu dhisi doono dekedda Kismaayo, isla markaana la sameyn doono waddo tareen oo isku xireysa Kismaayo iyo Itoobiya, si alaabaha uga soo dega Kismaayo xukuumadda Addis Ababa aay maalin guduheed ku tagto dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliland oo la hadlayay guddiga guurtada ah, ayaa sheegay in madaxda JFS aay ka joojiyaan faragelinta aay ku hayaan waxa uu ugu yeeray “Arrimo lid ku ah jiritaanka Soomaaliland.” Siilaanyo ayaa ka gaabsaday in uu ka hadla heshiiskan RW Itoobiya iyo madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aay ku kala saxiixdeen Abudhabi dhammaadkii sanadkii hore ee 2015. Shacabka reer Soomaaliland ayaa wada qaba tuhun in aay wax jiraan balse aanan ogeyn halka aay wax ka jiraan iyo sida aay wax u jiraan.

Halkan ka dhegeyso siilaanyo VOA:  [su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/01/siilaanyo.mp3″]

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iyadu ku hanweyn in marka la dhameeyo dhismaha dekedda Berbera aay maamulaan shirkadda Dubai Ports, oo iyadu tartan kula jirta dalka Turkiga.

Halka Hoose ka akhriso

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/01/01120516170Berbera_Corridor.pdf” width=”1180″ height=”1600″]

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimadda@live.com