Damaca Fog ee Ethiopia ka leedahay Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online)-Qaar kamid ah saraakiisha Jabhada ONLF ayaa si qoto dheer kaga hadlay dagaalka ay kula jireen dowlada Ethiopia iyo qorshaha fog ee dowlada Ethiopia ka leedahay dhulka Soomaalida.

Cabdi Xakiin Sheikh Muuse, oo kamid ah saraakiisha ugu sareyso Jabhada ONLF ayaa si cad u sheegay in dowlada Ethiopia ay hagar daamo badan la damacsan tahay shacabka Soomaaliyeed ee kusugan Soomaaliya iyo dhulka ismaamulka Soomalida.

C/kariin wuxuu carabka ku adkeeyay inay u taagan yihiin gobonimo doonka dhulkooda hooyo,islamarkaana ay wadi doonaan daagaalka ilaa iyo inta ay cadowga iska dul qaadayaan.

“fadhi nooma yaal intaan cadowga dhulkeena ka saarno,Soomaalidana waxaan ugu baaqeynaa in laga qeybqaato dhamaan halgankaasi”ayuu yiri C/kariin

“haddii aanan ku midoobin dagaalka iska kaashan halgankaan waxan laga shaleyn doonaa gadaal danbe oo caruurteena ayaa nagu eedi doonta” ayuu mar kale yiri Hogaamiyaha

Sarkaakaasi meelaha uu ka hadlay ee wax laga weydiiyay waxaa ka mid ah qorshaha Itoobiya ee ay dhalinyarada Soomaaliyeed uga dhaadhicineyso inay Itoobiyaan yihiin.

“ma jirto qof ogaadenya ka tirsan oo marna aqbali kara inuu sheegto Itoobiyaan , dadkeenu way iskala weynyihiin xabishada,laakiin way jiraan dhalinyaro aan laheyn aqoon diimeed iyo mid maadi oo shaqo la’aan iska heysay inay maskaxda ka xadeen”ayuu yiri C/kariin Sheekh Muuse

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com