Shirarkii gaarka ahaa ee magaalada Kismaayo oo la isku mari la’ yahay, maxaa miiska saaran (Xog)

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirarkii gaar gaarka ahaa ayaa weli ka socdo magaalada Kismaayo kaasoo u dhexeeya maamulada dalka ka jira ee ku meel gaarka ah iyo madaxda DF Soomaaliya

Shirarkaan ayaa u eg kuwo aanan natiijo aanay ka dhalan doonin walow qaar ka mid ah masuuliyiinta beesha caalamka iyo IGAD aay ku kala dhex jiraan sidii xal looga dhalin lahaa shirarkan gaar ka ah. Berrito ayaa la filayaa in uu shirkii weynaa furmo waxaana weli Kismaayo soo gaarin ururadii ugu weynaa ee beesha caalamka oo aay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka iyo ururka qaramada midoobay xafiiskiisa Soomaaliya ee UNSOM.

Madaxweynaha oo galabta la hadlaayay Axmed Madoobe iyo Gaas ayaa u sheegay in berri galab oo ku noqon doono Muqdisho heshiis iyo heshiis la’aanba. Arrinkan ayaa aad uga careysiisay labada masuul ee Gaas iyo Madoobe.

Afartan Qodob ayaa sal u ah shirarka gaar gaarka ah oo mid ka mid ahi laga rajo qabo inuu noqdo qaabkii doorashada ee 2016
1. In Degmooyin lagu soo xulo xildhibaanada (Madoobe iyo Gaas ayaa qaba fekerkan)
2. In Dowlad Goboleedyada lagu saleeyo soo xulida xildhibaanada (Guuleed Ayaa qaba fekerkan).
3. In nidaamka liita ee 4.5 lagu soo xulo xildhibaanada (Shariif Xasan Ayaa qaba fekerkan, kuna adkeysanayo)
4. In Muddo kordhin 2 sano ah loo sameeyo BF ee hadda jira, si aay doorasho u dhacdo lagu soo dooranayo Guddoonka Baarlabaanka iyo Madaxweynaha (Fekerkan ayaa waxaa qaba beesha caalamka, iyo Guddoomiyaha Baarlabaanka Jawaari).

Si kastaba ha ahaatee waxaa looga fadhiyaa Kismaayo go’aan cad oo heshiis lagu yahay in uu ka soo baxo si doorasho loo helo 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com