SHARIIF XASAN oo u jawaabay Cabdi Weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay shirka Kismaayo iyo habacsanaanta ay muujinayaan maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Shariif Xassan waxa uu tilmaamay in ujeedka laga leeyahay shirka uusan aheyn aflagaado iyo in lagu sii kiciyo Siyaasadaha jahwareersan ee ka taagan gayiga Somalia.

Shariif waxa uu sheegay in shirka Kismaayo ay caqabad ku yihiin Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas waxa uuna carab dhabay in durbadiiba ay war-xumo ka dhex bilaabeen madaxda.

Isaga oo u jawaabaya C/wali Gaas ayuu yiri ”Waa arrin laga wacan yahay in shirka Kismaayo loogu gafo beelo gaar ah, shirku maaha mid khuseeya Xassan ama beelaha Hawiye ee waa shir ay beesha daarood marti galisay xumaan iyo wanaag idinku’baa leh”

Shariif Xassan waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in magaalada Kismaayo loogu gafo beelo ama madax gaar ah, waxa uuna ku baaqay in maamulada Jubba iyo Puntland aysan ka weecan xeendaabka madashada shirka.

Beesha Daarood ayuu sheegay in laga fiican yahay inay marti galiso shirka hadana ay sharaf dhac ku sameeyo mas’uuliyiintii ka qeybgali laheyd shirka ay gogoshiisu qabteen.

Sababta dib-u-dhacyada shirka ayuu sheegay inay noqon karto mashquul ku yimaada madaxweynaha dalka, balse uusan mudneyn in lagu xadgudbo.

Docda kale, Madaxweyne Shariif ayaa rajo xumi ka muujiyay natiijada laga filankaro shirka Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com