Xassan Sheekh oo sheegay hal arrin oo su’aal ka dhex dhalisay Ergada ku shirsan JOWHAR

Muqdisho (Caasimada Online):-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hanaanka la doonaayo in loo hirgaliyo maamulka cusub ee la filaayo in dhawaan loo dhiso Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xassan Sheekh oo kulamo kala duwan magaalada Jowhar kula qaatay Odayaasha dhaqanka ee labada Gobol, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jowhar ayaa sheegay in DFS ay qorshooyin fog la damacsan tahay maamulka cusub, waxa uuna Xassan carab dhabay in Dowladu ay naawileyso in Somalia oo idil laga dhaqan galiyo nidaamka Federaaliisimka.

Isaga oo ku guda jiray kulamada ayaa waxa uu Odayaasha ka hor sheegay in DFS gaar ahaan shaqsi ahaantiisa uusan wadan cid gaar ah oo uu la doonaayo madaxtinimada maamulka cusub.

Xassan Sheekh waxa uu Odayaasha u sheegay inay u furan tahay diyaarinta cida ay la doonayaan maamulka cusub, waxa uuna hadalkaasi dareen gaar ah ku abuuray Odayaasha, oo horay u sheegay in madaxweyne Xassan uu madaxtinimada maamulka u wato Faarax C/qaadir.

Odayaasha ayaa soo dhaweeyay haddalka Xassan Sheekh waxa ayna dhankooda ka ballanqaaden inay la imaan doonaan madaxweyne u qalma shacabka labada Gobol.

Haddalka madaxweyne Xassan ayaa imaanaya xili inta badan warbaahintu sheegtay in Xassan Sheekh uu madaxweynaha maamulka cusub la doonaayo Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com