24.4 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Sawirro: Markab xamuul ah oo usoo xirtay GAAS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dekada magaaladaasi uu ku xirtay markab agab u siday maamulka Puntland.

Markabka ayaa waxa uu u rarnaa shirkad lagu magacaabo Divers Marine Contracting oo uu iska lee yahay nin u dhashey dalka Falastiin, kaasi oo sanadkii 2015 heshiis la galay maamulka Puntland si dib u habeen loogu sameeyo dekada.

Markabka ayaa waxa uu sidaa qalab casri ah oo lagu hormarinaayo bilicda iyo xafiisyada dekada waxaana goorta uu soo xirtay halkaasi kusoo dhaweeyay wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Boosaaso.

Markabka alaabta sida ayaa waxaa lagu magacaabaa Makal Harbour waxa uuna si aad ah uga shaqeeya xeebaha Somalia, Kenya iyo dhowr dal oo kale.

Markab 1
Markab 2
Markab 3

Markab 4

Markab 5

Markab 6

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News