Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online):-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha uu horkacaayo waxaa Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Madaxdii kale ee Magaalada ku sugneyd.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay Xarunta loo qorsheeyay inuu ka furmo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Kismaayo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga sugaayay labadii maalin ee la soo dhaafo Magaalada Kismaayo, hayeeshe ma aysan suuragelin inuu tago.

Madaxweynaha ayaa maanta daah furi doona Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Somaliya, kaasi oo looga hadli doono Arimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaayo sanadkaan.

Ammaanka Magaalada ayaa wuxuu yahay mid si weyn loo adkeyay oo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom ay iska kaashanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com