Xasan Sheikh oo shaaciyay shaqsiga hoggaamin kara maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Jowhar (caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo shalay magaalada Jowhar ka furay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ergada shirka loo furay u tilmaamay madaxweynaha anfacaya shacabka Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheikh, wuxuu sheegay in shacabka labada gobol ay doonayaan madaxweyne usoo dhicin kara Xaqa ay leeyihiin labada gobol, islamarkaana ay aqoon wanaagsan u leeyihiin Shacabka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“iskugu roonaada, kuwiina ugu fiican, kuwiina ugu amaanada badan iyo kuwiina ugu cadaalada badan oo jufo jufo aan ka shaqeyneynin, oo aan idinka xadeynin labada kumi ee aad leedihiin” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

“Raadsada kuwiina ugu haboon magac ahaan oo maqaan ku leh bulshada ayna garanayaan dadka Soomaaliyeed, oo Soomaali haddii wax loo qeybiyo wax idiin kaga keeni karo, kuwaas keensada soo doorta oo madaxweyne, ku xigeen, wasiiro iyo xildhibaanaba ka dhigta”ayuu hadalkiisa kusii daray Xasan Sheikh.

Ergada uu shirka kaga furmay magaalada Jowhar ayaa laga doonayaa ineys oo dhisaan hogaanka ugu sareeyso maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxaana maamulkaasi la qorsheeyay in lagu soo afmeero ka hor bisha Maarso ee sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com