Xog cusub: Mooshinka ka dhanka ah GUULEED

Cadaado (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waddo qorshe ka dhan ah xukuumada madaxweynaha Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaan Liibaan Cabdulaahi Xasan, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanadii ugu badnaa ay tageen magaalada Cadaado.

Wuxuu Liibaan sheegay in xildhibaanada oo maalmahaan ku sugnaa qaarkood magaalada Muqdisho ay diyaariyeen qorshe lagula xisaabtamayo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Liibaan Cabdulaahi, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in golaha wasiirada galmudug weydiin doonaan waxyaabaha ay qabteen lixdii bilood ee lasoo dhaafay maadaama loo igmaday wax u qabashada shacabka deegaanada Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay ogaanshaha sida laga yeelayo caasimada maamulka Galmudug oo Dhuusomareeb ah, laakiin muddo badan lagu shaqeynayo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Muddo lix bilood ah oo maamulka Galmudug oo dhisan yahay ayaa waxaa uu wajahay waxyaabo badan oo dib u dhac u keenay sida dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo Dagaalkii Guriceel.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com