XOG: Itoobiya iyo Kenya oo isku haysta dekedda & garoonka Kismaayo + Ethiopia oo go’aamisay..

Kismaayo (Caasimada Online) – War aanu ka helnay ilo xog Ogaal ah oo kusugan magaalada Kismaayo kana mid ah Hawl wadeenada Jubbaland ayaa noo xaqiijiyay in Taliska ciidamada Itoobiya ee dhowaan lageeyay magaalada ay ku wargaliyeen ciidamadii Kenya ee Horay usii Joogay inay isaga Guuraan Dekedda iyo Garoonka.

Warku waxaa uu sheegayaa in madaxa sirdoonka ciidamada Itobiya ee Soomaaliya oo in muda ah kusuganaa magaalada iyo Taliyaha Guutada haatan kahawlgalaysa magaalada Kismaayo col-Tesfaye, inay kuwargaliyeen saraakiisha ciidamada Kenya inay u ruqaansadaan dhinaca Furinta baneeyeen fadhiisimaha dekada iyo Garoonka.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa si adag dalabkaasi Gaashaanka ugu dhuftay waxaana sida xogta aanu kuhelay saraakiisha Labada dhinac ku xumaaday hadalka, iyadoo saraakiisha Kenyanka ahi ku adkaysteen inay fadhiisimahaasi kaguurayaan marka ay Guud ahaan Soomaaliya kabaxayaan.

Saraakiisha Labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa inay isula tageen madaxwaynaha maamulka Jubbaland ee dhulkuu sheeganayay inuu xukumo laysku haysto, waxaana xogta aan helay ay sheegaysaa inuu kutaliyay in Labada ciidan kala qayb sadaan dekada iyo Garoonka, iyadoo ciidanka Itobiya ay lawareegayaan dakada halka kuwa Kenyana loo daynayo fadhiisinkooda Garoonka.

Xogtu waxaa ay sheegaysaa in saraakiisha ciidamada Kenya kahoryimaadeen soo jeedinta Axmed madoobe kuna adkaysteen inaysan Labadooda fadhiisin midna banaynayn, waxaa se socda Qorshe ladoonayo in laysugu soo dhoweeyo saraakiisha Labada ciidan ee ku muraysan dakada iyo garoonka Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com